BRIS oo Afartan Jirsatay

Hayadda xuquuqda dhallaanku ey bulshada ku dhex leeyihiin marka magaceeda la soo gaabiyana loo yaqaano Bris ayaa sannadka 40 jirsan doonta. Bris waa hayad mutadawac ee ka madax bannaan siyaasad, diin iyo ururba, hoowsheeduna tahay sidii ay gacan ugu fidin lahayd dhallaanka dhibaateeysan.

Waa hayad ku dadaasha sidii ay buundo ugu noqon lahayd dhallaanka, dadka waaweyn iyo bulshada inteeda kale.

Bris ayey wada-jir u aas-aaseen 40 sannadood hortood suxufi Berit Hedeby iyo qoraa Gunnel Linde.

Sal-dhigga hoowlaha Bris qabato ayaa ah telefoon heegan ah ee dhallaanku ka soo wici karaan ee hoowshiisa la bilaabay sannadkii 1980. Sannadkii tagay ayey Bris la soo xiriireen dhallaan tiradiisu gaarsiisan yihiin 115 000, halka sannadkii ka horreeyay 2009 tiradaasi gaarsiisnayd 110.

Telefoonka heeganka ayey gacan ka geeystaan 600 mutadawac ah. Waxaa sidoo kale jira telefoon ey dadka waaweyni kala soo xiriiri karaan haddii ey qabaan su’aalo dhallaanka ku saabsan.

                                                             kenadid.mohamed@sr.se

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".