Cisbitaallada Lagu Umulo

Siyaasiyiinta ayaa hadal haya sidii ey dib uga fiirsan lahaayeen xoriyadda waalidiintu u leeyihiin kala doorashada cisbitaalladda lagu umulo, kadib iyada oo qaarkoodna buux-dhaafeen qaarna goobo ka bannaan yihiin.

Laga bilaabo bishii jannaayo ee sannadkii 2009 ayaa suurtagal looga dhigay waalidku iney kala dooran karaan goobaha umulinta, middaasina dhalisay in cisbitaallada qaarkood noqdeen kuwo aad loo xiiseeyo oo buux dhaafay, qaar kalena la dhinac maray. Dadku ma wada dooran karaan hal cisbitaal, sida ay u sheegtay wargeeyska Dagens Nyheter Filippa Reinfeldt, madaxa laanta caafimaadka ee heeyad-goboleedka Istockholm, una matasha xisbiga Mudaraatka.

Mooshinkan ayaa la xiriira in waalidiintu dalban karaan cisbitaalka wakhti cayiman ee muddada uurka la leeyahay iyo sidoo kale xadidaad tirada umulinta toddobaadkii.

Isha: DN/TT

                                                        kenadid.mohamed@sr.se

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".