Sawirqaade: Jessica Gow/Scanpix.

Dacwad Argagixisnimo oo La Soo Gabagabeeyay

Maanta oo arbaca ah ayaa lagu soo gabagabeeyay maxkamad ka dhacday racfaanka Gothenburg ee lagu qaaday laba nin oo iswiidhish ah asal ahaana ka soo jeeda Soomaaliya, nimankaasina oo lagu soo oogay dacwad ka dhan ah ee la xiriirta shaabadeeyn aragagixisnimo.

Labadan nin ayey horay maxkamadda degmadu ugu ridday xukun afar sannadood ah midkiiba iyadoona la sheegay iney xiriir qoto-dheer la lahaayeen ururka Al-shabaab. Xeer-ilaaliyaha ayaa soo jeediyay gabagabadii dacwaddiisaa in maxkamaddu ku riddo raggaa xukun la mid ah kii hore, halka gar-yaqaannada ragaasina sheegeen in dacwadani aaney wax xiriir ah la lahayn fal argagixisnimo sidaa daraadeedna oodda laga qaado.

                                                           Kenadid.mohamed@sr.se

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".