Iskuulka khaaska

Iskuullada Khaaska iyo Dhallaanka

Iskuullada khaaska oo iyo dhallaanka ajaaniibta ah
6:40 min

Dhallaan badan ee ka diiwaan-gashan iskuullada khaaska ayaa lagu geeyaa hab khaldan.

Qaar badan ee dhallaankaa ka mid ah ayaa baaritaannada laga qaadaa aaney ahayn kuwo xaqiijin kara in dhallaankaasi u baahan yihiin iskuullada khaaska, waxa afka iswiidhishka lagu yiraahdo Särskola. Sida ku cad baaritaan ka soo baxay hayadda iskuullada toddobaadkan aynu ku jirno.

Mahdi Axmed Warsame, macalin ka hoowl-gala iskuul ka mid ah iskuullada ku yaala magaalada Örebro.

In xaaladdu sidaa u qalifsan tahay waa mid ka fajacisay Greger Bååth, agaasimaha guud ee hayadda wax-baridda gaarka, hoowshooduna tahay sidii ey taageero  ugu fidin lahaayeen degmooyinka hoowlahooda la xiriira iskuullada khaaska.

- Natiijadaa ayaa aad iiga fajacisay. Xeerka ka degsan habka dhallaan looga diiwaan geliyo iskuullada khaaska ayaa ah kuwo cad sida ay aniga ila tahay iyo waxa laga sugayo baaritaannada la qaado waxa looga gol leeyahay. Waa mid iga fajicisay in markaa laga tallaabsado ama khaladaad badan ka soo baxaan tiro sidaa u badan. 

Sannadkii 2010 ayaa kadib dacwad kaga timi laba macallin ee ka hoowl-gala iskuul khaasa ee ku yaala magaalada Örebro ay hayadda kormeerka iskuulladu go’aansatay in arrintaa loo dhabba galo kadibna baaritaankii lagu sameeya degmada Örebro uu ka soo baxay in dhibaatooyin ka jiraan.

Xog-ogaalkaa kadib ayay haddaba hayadda iskuullada oo la kaashaneeysa hayado kale oo ay ka mid tahay hayadda wax-baridda gaarku  dabagal ku sameeyeen 715 baaritaan ee dhallaan ey 30 degmo ugu direen iskuullada khaaska, mana aysan jirin degmo ka mid ah degmooyinka 30-ka ee dhaliil ka bad-baaday.

Baaritaanno badan ee ka mid ah baaritaannada dhallaanka lagu sameeyey ayaananba qeexeyn ama lagu go’aamin karin in ilmahaasi u baahan yahay iskuul khaas ah iyo in kale, sida uu sheegay Greger Bååth.

- Qaar ka mid baaritaannada hayadda kormeerka iskuulladu sameeysay ayey ka maqan yihiin qiimeeynno qaarkood sidaa daraadeedna aan waxba lagu qiimeeyn karin.

Baaritaanka ayey sidoo kale ku cad yihiin in dhallaanka asal ahaan ka soo jeedda dalka dibaddiisa miisaan ahaan kaga fara badan yihiin kuwa dhiggooda ee iswiidhishka marka laga hadlayo ardayda dhigata iskuullada khaaska.

Qiyaas inta ey is-dheer yihiin hayaddu ma hayso haseyeeshee waa mid muuqata in dhallaanka ajnabigu kaga tira badan yihiin iskuullada khaaska, loona baahan yahay in ammuurtaa hoos loogu daadago.

Xaaladdan qudheeda ayaa ah dhibaato. Maadaama iskuulaadka khaaska Loogu talo galay Dhallaan korriimmada hor-u-mar aawadeed aan la qabsan karin iskuullada caadiga xitaa haddii caawinaad gaar ah la siiyo, sida uu sheegay Greger Bååth.

- Haddii ay dhacdo in loo qiimeeyo dhallaan asal ahaan ka soo jeedda dalka dibaddiisa hab ka duwan ardayda iswiidhishka, laguna gaaro go’aanno iyada oo aan laga war-hayn ama aan baaritaan lagu sameeyn nolosha uu ilmuhu ku nool yahay iyo taariikhdiisa, waxaa markaa dhici karta in si khalad ah loo meeleeyo. 

Waxaa jiri karta khatar la maleeyn karo, markaa xitaa waa in hoos loo eego si loo hubsado in aanay xaaladdu sidaa ahayn, sida uu sheegay Greger Bååth.

                                                      kenadid.mohamed@sr.se

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".