Katabaanka dharka ee iskuulka xannaanada. Sawirle: Jurek Holzer/Scanpix

Xeer Lagu Xakamaynayo Iskuullada Xannaanada

Iyadoo 1-da bisha luulyo ee sannadkan uu dalka ka dhaqan-gali doono xeerka cusub ee iskuullad, ayaa haddana la la' yahay macallimiin xirfad aqooneed u leh in ay ka shaqeeyaan xarrumaha xannaanada dhallaanka.

Xeerka cusub ee iskuullada ayaa goobaha xannaanada dhallaanka khasab uga dhigaya in qof aqoontiisu heer jaamicadeed gaarsiisan tahay oo keliya uu qaadi karo hoowsha habka gaarsiinta waxbarashada.

Sidaa oo ay tahay ayaa haddana waxaa kordhay tartanka ey iskuulladu ugu jiraan sidey ku hannan lahaayeen tirada yar ee macallimiinta xirfaddaa leh, iyadoona ey shaqa-bixiyeyaashu isku dayayaan sidii ey ugu soo jiidan lahaayeen fasaxyo iyo mushaarooyin dheeriya.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".