Doorashooyin Dib Loogu Noqon Doono

Xaaladda Örebro 2011.02.03
2:04 min

Carriga Götaland iyo magaalada Örebro ayaa maanta guddiga racfaanka doorashadu go’aan ku gaaray in dib loogu celiyo doorashooyinkii ka dhacay bishii septeembar ee sanndkii tagay 2010.

- Khaladaad dhacay aawadood ayaa sabab u noqday sida ay la tahay guddiga racfaanka doorashada iney saameeyn ku yeesheen natiijadii doorashada, sida uu hayadda wararka ee TT u sheegay Bengt-Åke Nilsson.

17 cod oo si khaldan loo tiriyey degmada Örebro, lana xiriira codadka la isu wakiisho iyo tuhun codadka la dhiibto inta doorashada ka horreeysa.

Qiyaasta lagu kala baxay ayaa ahayd iyaduna mid aad u yar, iyadoona haddi xibiga shacabku uu doorashadaa cod keliya oo dheeriya ku heli lahaa uu hanan lahaa xildhibaan hor leh. Doorashada dib loogu noqon doono ayaan ka dhici doonin degmada Örebro oo dhan, hase yeeshe ka dhici doonta oo keliya waaxda doorashada ee waqooyi-bari oo keliya.

 Doorashada la go’aamiyay in dib loogu celiyo ee carriga Götaland ayaa ka dhici doonta dhammaan doorashada gobolka ee galbeedka Götaland. Go’aankani ayaa ka dambeeyay 16 cod oo ka lumay xibiga Dhexe ee Centerka.

Isha: TT

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".