Ribada oo Kor Loo Qaaday

Bankiga qaranka ayaa kor u qaaday 0,25 gaarsiiyayna 1,25 nooca ugu muhiimsan ee noocyada ribada loona yaqaano ribada hogaaminta (styrränta). Iyadoona la saadaalinayo in riba-kordhintu halkaa ka soo socon doonto.
Maamulka bankiga qaranka ayaa ku macneeyay talaabada riba-kordhinta inay ka dambeeyso.
" Dhaqaalaha dalka oo hor-u-maaraya siina adkaaday. Halka sicir-bararkuna hooseeyo, hase yeeshee la filayo inuu culeeyskoodu adkaado, maadaama dhaqaalahuhu sii adkaanayo.

Qiimaha awoodda tamarta iyo alaabada ceeyriin ayaa qudhoodu sabab u noqda kor u kaca sicir-bararka. Si haddaba sicir-bararka loogu dheeli-tiro heerka la doonayo ee 2%, loogana kaaftoomo isticmaalka xad la’aan ee dhaqaalaha ayaa loo baahday in si tartiib tariib ah kor loogu qaado qidmadda ra’sumaalka aan guurin. Sidaa daraadeed ayuu maamulka bankiga qaranku go’aan ugu gaaray in 0,25 kor loo qaado qidmadda lana gaarsiiyo 1,5%. Sidoo kale ribada ra’sumaalka aan guurin ayaa loo baahnaan doonaan in si ka degdegsan kor loogu qaado mustaqbalka.”