Qidmadda oo La Kordhiyo Ayuu Qabaa Guddiga Xaaladda Adagi

Guddiga xaaladda adag ee xisbiga Sooshiyaaldimoqoraadiga ayaa saaka soo ban-dhigay qoraalka fikrradihiisa la xiriira sidii sumcadda xisbiga kor loogu soo qaadi lahaa loona gaarsiin lahaa heer ka sareeya midka uu haddan joogo una dhigma kuwii uu horay u lahaan jiray. Qoraalkan ayuu guddiga xaaladda adagi waxyaabihii uu ku soo bandhigay in loo baahan doono qidmadda in xoogay kor loo qaado, si dhaqaale loogu helo miisaaniyad-gelinta hab-nolol-wanaagga bulshada iyo sidoo kale in dhaqaale dheeriya loo helo sanduuqa nidaamka hoowl-gabka.

– Haddii la qabo hammi sare ee la xiriira tayada iskuullada, aas-aaska dhisme ee dal haddey noqon lahaayeen waddooyinka tareemmada iyo gawaarida, marka laga hadlayo tayada xannaanada waayeelka iyo caafimaadka, la iskama dhaadhac-siin karo iney bilaash yihiin, sida ay sheegtay Anna Johansson, gudoomiyaha guddiga xaaladda adag ee xisbiga Sooshiyaaldimoqoraadigu.

War-bixintan ayay kooxda guddiga ee loo xilsaaray guul-darradii doorashada ka raacday iney ka soo baaraan-degaan sidii wax looga bedeli lahaa iyo dhabbada xisbigu qaadi doono, ayaa sheegay in xisbigu aaney caddayn xilligii doorashada lagu jiray siyaasaddiisu middaasina waxyaabihii ugu wacnaa ey ka mid ahayd garabeeysigii xisbigu la yeeshay xisbiyada Bidixda V iyo Doogga Mp iyo sidoo kale xisbiga oo aan aad uga shaqeeyn ka hor-tagga farqiga dhaqaale ee u dhaxeeya kooxaha bulshada tobankii sannadood ee ugu dambeeyey.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista