Diyaargarow loogu jiro doorashadda hogaamiyaha xisbiga Sooshaalka

Sooshaalka iyo doorasha hogaamiyaha xisbigga

Maanta ayaa lugu wadaa in urruradda taabacsan ee tiirka u ah xisbiga sooshaal dimoqraat-ka ay soo gudbiyaan cidda ugu sharaxan hogaanka xisbigga. Urrurka midowga dhalinyaradda ee SSU ayaan isaga soo gudbin weli musharax wadajir ay u soo doorteen, balse mid mid u soo gudbin doonaan musharaxadooda. Sidaa waxaa idaacadda wararka faafisa ee Ekot u sheegtay Jytte Guteland. Shaqsiyan waxey dooneysaa in Mikael Damberg uu noqdo hogaamiyaha cusub.

Dhaq- dhaqaaqa walaaha broderskaprörelsen, ayaa sharuud ka dhigaya in hogaamiyaha cusub ee sooshaal demoqtaar-ka uu noqdo qof aqoon sare leh oo ku hogaamin karra saaxada siyaasadeed ee caalamiga ah. Balse weli si dhab ah ugma soo gudbin magac musharax. Dhinaca kale midowga haweenka S-kvinnor ayaa ku feraya iney soo gudbiyaan shan magac oo dumar ah oo ay calaamadeeyeen, haddii ay dhacdo in laga waayo magacyadda dumarka. Garabka ardeyda midowga ee sooshaal demoqraat-ka ayaa ku dhegen musharaxooda u sharaxan hogaanka Lena Sommestad oo horey u ahaan jirtay wasiirkii deegaanka.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".