Andrey12 maalmood ayuu ku jiray xabsiga laga musaafuriyey SawirkaDaniel Velasco/Sveri

Booliska oo warbixin qalad ah ka bixiyey Roomer la musaafuriyey

Booliska Stockholm ayaa shaaca sharaxaad ka bixiyey sababaha ay warbixino qalad ah oo ku saabsan qowmiyada roomerka ay bixiyeen. Dadka roomerka ah ee ku nool magaaladda ayaa asbaabihii looga saaray gaar ahaan kuwa dalka laga masaafuriyey ay muuqdeen kuwo tuugsadda, iyadoo tuugsigu yahay wax mamnuuc ka ah dalkaan Sweden, ayey dadkani yihiin muwaadiniin reer Yurub ah xaqna u leh iney ku noolaadaan dalkaan Sweden.

Balse warbixinta ay booliska soo saareen ayey ku sheegeen in dadkii ay qab qabteen musaafuriyeena ay ula dhaqmeen si aan wanagasaneyn, Taasina waxaa lugu sheegay mid aan waxba ka jirin.

Booliska ayaa taageero waxaa ay ka heleen wasiirkii socdaalka Tobias Billström, balse Thomas Hammerberg oo ka tirsan gudiga kommishinka Yurub waxaa uu aad u dhaliilay talaabadda dadka roomerka ah loogaga saaray dalka.

Isha warka: Ekot

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".