Booliska Skottland oo qabtay nin loo maleynayo inuu gacan ku lahaa qaraxii ka dhacay Stockholm sanadkii hore

Booliska Skottland oo qabtay nin qaraxyadii Stockholm gacan ku leh

Booliska wadanka Skottland ayaa gacanta ku soo dhigay nin looga shakisan yahay inuu gacan ka geystay qaraxyadii bishii diseember ee sanadkii hore ka dhacay magaalo madaxda dalkaan Sweden Stockholm. Ninkan ayaa arroornimaddii maanta aheyd gacan lugu soo dhigay, kadib iskaashi dhex maray sirdoonka xagga amaanka booliska Sweden u qaabilsan ee Säpo iyo booliska dalkaasi Skottland.  Sirpa Franzén oo xagga saxaafadda booliska ugu qaabilsan ayaa warkan u xaqiijisay idaacadda wararka u faafisa radio Sweden ee Ekot. Waxaana ay xustay in baaritaan la sameeyey ay tilmaameen iney jiri karto xirriir ka dhaxeeyey ninka haatan lugu qabtay Skottland naftiii hurihii Stockholm isku qarxiyey.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".