Golaha ammaanka iyo dalka Libya

Golaha ammaanka ee qaramada midoobey ayaa habeeynkii xaley , HAA ugu codeeyey qaraar dhigaya in hawada dalka Libya lagu soo rogo, in ay noqoto mid ka caagan duulimaadyada diyaaradaha.

Ujeedada laga leeyahay xeerkaan cusub ee uu galaha ammaanku meel mariyey ,ayaa ah in laga hor istaago Qaddaafi in uu weeraro dadkiisa rayidkaa , dagaalka sokeeye ee hadda ka aloosan dalka Libya.

Toban dal oo xubo ka ah golaha ammaanka ee qaramada midoobey ayaa qaraarkaas diyaaradaha Qaddaafi,duulimaadyada looga mamnuucayo ogolaatey, meesha ay dhanka kale ka aamuseen shan dal, oo ay ku jiraan dalalka Ruushka , Shiinaha , iyo jarmalka.

wasiirka arrimaha dibadda dalkaan Iswiidhan Carl Bildt ayaa soo dhaweeyey go'aankaas uu golaha ammaanku ka gaarey dalka Libya.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista