Wasiirka dhaqaalaha Anders Borg.

Miisaaniyadda Dawladda ee Gu'ga

Dawladda ayaa maanta soo bandhigtay waxa lagu magacaabo miisaaniyadda sannadka ee xilliga gu’ga, laguna caddeeyn doono siyaasadda dhaqaale ee dawladdu ka damacsan tahay miisaaniyadda ay dawladdu soo bandhigi doonto xilliga dayrta bisha septeembar ee sannadkan, kuna wajahan bilowga sannadka foodda innagu soo haya.

Qaar badan ee ka mid ah tallaabooyinka siyaasad-dhaqaale ee dawladdu tiigsaneeyso ayaa horay loo ogsoonaa ayna ka mid yahay dhismista tallaabadii shanaad ee qidmadda mushaarooyinka shaqaalaha. Halka uu wasiirka dhaqaalahu Anders Borg sheegay in dhaqaalaha dalku kor u kici doono sannadkan 2011 4,6 boqolkii, sannadka foodda innagu soo hayaana uu noqon doono kobaca dhaqaale ee dalku 3,8 boqolkiiba.

– Waxaan dooneeynaa in aannu gudbino dhambaal ah in bulshada kallahda aroortii ee shaqa tagtaa uu dalkani ku talaabsanayo siyaasad ah in shaqadu ka fa’iido badato shaqa la’aanta, sida uu sheegay madaxa dawladda Fredrik Reinfeldt.

– Falkan siyaasad dhaqaale waa mid la xiriira qidmadda oo shaqaalaha shaar-cadleyda (xafiisyada) ee xubnaha ururrada shaqaalaha ee TCO iyo Saco laga dhimo. Mar kale oo waayeelka howl-gabka cashuurta hoos looga dhigo. Is-bedello dib u habeeyn ee hab-nolol-wanaagga si loo wanaajiyo tayada iskuullaadka iyo hoowlaha bulshada. Dhammaan siyaasaddaasina waxay ku suurtagaleen masuuliyadda wanaagsan ee siyaasadda iyo kobaca dhaqaale ee dawladda.

Waana miisaaniyadda Bisha septeembar ee foodda innagu soo haysa midda dawladdu soo ban-dhigi doonto baaxadda iyo noocyada is-bedellada.

Kuwaasina oo ey ka mid yihiin ballanqaadyo dawladdu horay ugu gashay xilligii ay socotay doorashadii awoodda dalka loogu looltamayey, in bar la dhimo cashuurta dadban ee afkan iswiidhishka lagu yiraahdo moms, dimista qidmadda howl-gabka iyo markii shanaad dhista qidmadda mushaarooyinka shaqaalaha.

Xisbiyada mucaaradka ayaa suulka hoos ugu dhigay fikirradaa siyaasad dhaqaale ee dawladdu ku tala-jirto.

Xisbiga Bidixda, ayaa qaba in halkii cashuurta laga dhimi lahaa la maal-geliyo hab nolol-wanaagga bulshada. In matalan xoogga la saaro goobaha xannaanooyinka dhallaanka, sida ay sheegtay af-hayeenka xisbiga bidixda ee dhanka dhaqaalaha Ulla Andersson, in la kordhiyo tusaale ahaan saacadaha ey xanaanooyinka dhallaanku furan yihiin iyo tirada dhallaan kooxeed oo la dhimo.

Xisbiga Doogga ayaa sidoo kale qaba fikir midkaa la mid ah iyo in miisaaniyadda la geliyo hagaajinta hab nolo-wanaagga bulshada

– Dalku wuxuu u baahan yahay in shaqaale ka fara-badan laga howl-geliyo iskuulaadka, in la hor-mariyo waddooyinka xadiidka ee tareemada iyo la miisaaniyad geliyo dayac-tirka guryaha dabaqyada ee la dhisay lixdameeyadii, toddobaatameeyadii, halkii qidmadda laga dhimi lahaa, sida uu sheegay Gustav Fridolin, kana mid ah labada ruux ee u sharraxan hoggaanka xisbga Doogga.

Maxay saameeyn keeni kartaa?

– Midda ugu horreeysa in aan laga faa’iideeysan suurtagalkan taariikhiga iyo in lagu tallaabsado maaliyad- gelin muhiimad leh.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".