Photo: Damian Dovarganes/Scanpix

Dawladda oo rabta in ay xakameeyso isticmaalka daawooyinka culculus

Dawladda dalkaan ayaa si aan loo dayicin ama si qaldan loogu isticmaalin daawooyinka culculus ,waxay baareeysaa sidii ay daawooyinkaas diiwaangalin ugu sameeyn laheeyd si takhtarku u ogaado inta daawo oo uu bukaansocodku isticmaaley.

Sida baaritaanka lagu qorey maanta waxaa la qoraa kiniiniyo aad u farabadan oo qofku qabatimo sida la isaga joojiyaana ay adag tahay kuwaas dayacma ama la sii iibiyo.

Bishaan dhammaadkeeda ayaa Gerhard Larsson oo dawladda u qaabilsan baaritaanka waxyaalaha sida qaldan loo isticmaalo , wuxuu soo gudbin doonaa soo jeedintiisa ku saabsan sidii takhaatiirta suuragal looga dhigi lahaa in ay la socdaan diiwaangalinta daawooyinka iyo sidii ay ku ogaan lahaayeen daawooyinka uu takhtar kale u qorey qofka bukaan socodka ah.

Gerhard Larsson ayaa sheegey in ay jiraan 65 000 oo Iswiidhish ah oo iyagu qabatimey in ay kiniiniyo isticmaalaan.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".