Baabuur lagu gubey Göteborg. Foto: Björn Larsson Rosvall / Scanpix.

Dhalinyaro babuur ku gubtey magaalada Göteborg

Koox dhalinyaraa oo burcad ah ayaa habeenkii xaley dab qabadsiiyey goobo dhoowr ah oo ku yaala galbeedka Frölunda oo ka tirsan magaalada Göteborg.

Shan gaari, rimoor iyo laba mooto ayaa la gubey.

Waxaa kaloo la dhagxiyey baabuur booliisku leeyahay iyo tareen yar oo kuwa dusha mara ah.

Dhacdadaan ayaa lagu tilmaamey in ay tahay mid geeysatey khasaarooyin xoog leh ,booliiskuna waxay bilaabeen in ay si roondo ah ugu wareegaan xaafadahaas.

Xaafadahaas ayaa daganaantoodii ku soo laabtey abaarihii saacaddu markii ay aheeyd labadii iyo bar habeenimo.

Ilaa subaxnimadii talaadada ciidamada booliisku ma aysan qaban cid lagu tuhunsan yahay in ay ka danbeeysey dhacdooyinkaas.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".