Falalka Jirdilka ee Haweenka Loo Geeysto

Dacwooyinka jir-dilka haweenka oo kor u kacey
1:32 min

Tirakoob ay soo saartay hayadda maamulka Boliiska ayaa lagu xaqiijiyay inay kor u kacday tirada haweenka jir-dilka loo geeysto.

Muddadii u dhaxeeysay sannadihii 2007 iyo 2010 ayey kor u kaceen 15%, dacwooyinka ka yimaada haweenka ay rag ku dhow-dhowi  kula kacaan jir-dil. Tiradaasina oo gaarsiinayd 12.600, halka ay sannadkii tagay ee 2010 ahayd 14:500 oo dacwadood.
Julia ayuu jir-dil u geeysan jiray nin ay wada noolaayeen iyadoona dacwaddeedii maxkamad lagu soo tagay ninkii, kadibna xabsi lagu xukumay. 
- Waxay ka bilaabatay maseeyr fool-xun oo horseeday dharbaaxo wejiga ah, ceejin, midiyo dhuunta la iiga qabto, sidoo kale wuxuu igu eryan jiray guriga. Ugu dambeeyntii wuxuu igu qafilay guriga oo fureyaashiina la tagay. Markaa ayaan dareemay in aannu xiriirkayagu shaqeeynayn, sida ay sheegtay Julia mar ay u warameeysay idaacadda Ekot.

Relaterat

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".