Haweeney uur leh.Sawir qaade:Jessica Gow/SCANPIX.

Dalka Afgaanistaan iyo dhimashada caruuraha shan jirka ka yar

Dalka Afgaanistaan ayaa shantii cunugba mid ka mid ahi wuxuu dhintaa isagoo aan gaarin da'da shan jirka, wuxuuna tirakoob la sameeyey muujiyey in haweeney kasta oo Afgaanistaan u dhalatey uu hal cunug ka dhinto.

Caruurtaas badankooda ayaa u dhinta cuduro ay sahlan tahay sida looga hortago.

Dalkaan Iswiidhan iyo dalal badan oo reer yurub ah ayaa taas badalkeeda waxaa yaraan ku dhinta kun cunugba saddex ilmood oo ka yar da'da shan jirka, sida hey'adda badbaadada caruurtu ku sheegtey warbixintoodii 12-naad oo Lough magac darey "Mother´s Index".

Hey'adda badbaadada caruurtu waxay si aan kala joogsi laheeyn uga shaqeeysaa baahida iyo caawinta hooyooyinka ku nool dalalka soo koraya.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".