Wasiirka socdaalka dalkaan Iswiidhan Tobias Billström.

Wasiirka socdaalka oo booqdey xuduudka dalalka Masar iyo Libya

Dalkaan Iswiidhan ayaa noqdey dalkii ugu horeeyey oo ka mid ah dalalka xubnaha ka ah ururka midoowga yurub oo saami qaxooti ah ka soo qaata qaxootiga ka soo firxadey dalka Liibiya.

Dad qiyaastii gaaraya ilaa 6 000 oo qof una badan kuwa ka soo jeeda dalalka soomaaliya ,Eretereya iyo gobolka Darfur ayaa ku xayiran xuduudaha dalka Libya, kuwaas oo aan dib ugu noqon karin dalalkoodii hooyo.

Maadaama dalkaan Iswiidhan uu soo qaadanayo tirada ugu badan ee saamiga qaxootiga dhammaan dalalka xubnaha ka ah ururka midoowga yurub , ayaa wasiirka socdaalka dalkaan Iswiidhan Tobias Billström ,wuxuu maalintii shaley booqasho ku tagey xuduudka u dhexeeya dalalka Masar iyo Libya

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".