Heshiiskii horey u dhexmarey Muller iyo Zhang oo labadaas shirkadood madax u kala ah . Foto: Ng Han Guan/Scanpix.

Heshiiskii u dhexeeyey shirkadda Spyker iyo hawtai oo burburey

Heshiiskii u dhexeeyey shirkadda Hawtai oo laga leeyahay dalka shiinaha iyo shirkadda Spyker oo mulkiilanimada u leh shirkadda Saab ,ayaa la buriyey sida lagu sheegey warsaxaafadeed ka soo baxay shirkadda Spyker.

Shirkadda Spyker ayaa intaas ku dartey in sababta heshiiskaas loo buriyey ka dib markii lagu guuldareeysrey in lagy qanciyo dhammaan musliilayaasha shirkaddaasi ay aqbalaan shirkaddaas shiineeyska ah.

Burburka heshiiskaas markii hore lala galey shirkadda Hawtai ayaa xanbaarsan in aan dib loo bilaabi karin warshadda Saab ay ku leedahay degmada trollhätten.

Heshiiskaas dumey ayaa dhanka kale sabab u noqotey in boqolkiiba 8 uu hoos dhacey saamiga shirkadda Spyker ee suuqa saamiyada Amsterdam.

Heshiiskaas lala galey shirkadda hawtai ayaa ahaa in ay shirkadda Saab ku xoojiso dhaqaale dhan 1,3 milyaardar oo karoon ,taas badalkeedana ay mulki u yeelato saddexmeeloo oo meel shirkadda Spyker cars , laakiin hadda oo heshiiskaasi burburey ,waxay labadaas shirkadood hheystaan ilaa maalinta barri si ay go'aankooda dhankaas ku aadan u soo gudbiyaan.

Wasiirka manaafacaadka Maud Olofsson ayaa idaacadda wararka ee ekot u sheegtey in ay arrintaas ka xun tahay ,ayna rajeeyneeyso in Viktor Muller u dhoofo dalka Shiinaha si uu u soo helo maalgaliyayaal cusub .

Dhanka kalana reeysal wasaaraha dalkaan Iswiidhan Fredrik Reinfeldt ayaa ka walwalsan mustaqbalka shirkadda Saab .

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".