Astaanta Amnesty International. Foto: Hasse Holmberg/Scanpix.

Hey'adda Amnesty oo dhaliil u soo jeedisey dalkaan Iswiidhan

Ururka Amnesty ee u dooda xuquuqda bani'aadamka ayaa warbixintiisii sanadlaha aheeyd wuxuu dhaliif dhoowr qodob ka kooban u soo jeediyey dalkaan Iswiidhan.

Dhaleeceeyntaas ayaa badankeedu waxay ku wajahneeyd hey'adda socdaalka iyo sida ay u maareeysey codsiyada qaxootinimada ay dalkaan Iswiidhan ku weeydiisteen dad u dhashey qowmiyadda Roomiga kuwaas oo ka yimid dalalka Serbia iyo Kosovo.

Hey'adda Amnesty ayaa sheegtey in dadkaas magangalyo doonka ah loola dhaqmey si aan waafaqsaneeyn sharciyada caalamiga ah ee u dhigan dhoowridda xuquuqda qaxootiga, maadaama aysan dadkaasi helin fursad si fiican loogu dhageeysto dalabkooda qaxootinimo iyo waliba iyagoo aan helin dad ka caawiya dhanka sharciga.

Qodobka labaad oo ay Amnesty ku dhaleeceeysey dalkaan Iswiidhan ayaa ahaa in dalkaani si khasab ah dib ugu celiyo qaxooti ka yimid dalalka Ereteria iyo Ciraaq taas oo ah mid ka hor imaaneeysa talooyinkii ay dhankaas ka soo jeedisey hey'adda qaramada midoobey ,waxay hey'addu dalkaan Iswiidhan ka codsatey in aysan dad qaxooti ah dib ugu celin dalal ay dhici karto in lagu jir dilo ama lagu ciqaabo.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".