Shaqa la'aanta dalkaan oo boqolkiiba hal hoos u dhacdey

Guud ahaan tirada dadka shaqa la'aanta ku ah dalkaan Iswiidhan ayaa bishii april oo la soo dhaafey dhammaa 371 000 oo qof.

Tiradaas ayaa u dhiganta 7,6 boqolkiiba quwadda shaqale ee dalkaan ka diiwaangashan xafiiska shaqada ee AF, waxaana boqolkiiba hal hoos u dhacey dadkaas shaqa la'aanta ah marka la barbardhigo isla bishaas sanadkii hore.

Xafiiska shaqada ayaa dhanka kale sheegey in kor u kac ku yimid dalabka shaqaaluhu meesha ugu badan oo shaqaalahaas looga baahan yahayna waa gobolka Stockholm.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".