Habka Doorashada Carriga Götaland

Kolkii xalay siddeednimadii fiidnimo albaabada loo laabay sanaadiiqdii doorashooyinka ayey goob walba ee codka lagu dhiibanayey bilaabeen tirinta codadkii.
Xilliga lagu jiro tirinta codadka ayaa ah goob cid walba u furan oo ey goob-joogeyaal ka ahaan kartaan.

Tirinta ugu horeeysay ayaa la xisaabiyay oo keliya codadka ey xisbiyadu saami ahaan u heleen ee aanan la eegin tirada cod ee ruuxu keli u helay ama loogu codeeyay, waxaana la soo saaray tiro hor-dhac sida xisbiyadu u kala guuleeysteen. Middaasina oo lagu war-geliyaa hayadda goboleedka.
Habeenka doorashada iyo subaxda isniinta xigta ee maanta ayaa loo waaridaa codadkii doorashada xarunta gobolka Västra Götaland.
Halkaasina oo mar labaad lagu xisaabiyo. Iyadoona la soo saaro natiijada eyna ku jiraan codadkii shakhsi ahaan loo helay.

Kolkii hayad goboleedku howsheeda cod-tirinta dhameeystirto ayaa la soo ban-dhigi sida garabyadu ugu kala guuleeysteen, mudaneyaasha ku guuleeystay iney xisbiyadooda matalaan iyo xubin- dhoowreyaashoodii. Halkaa ayayna doorashadii ku soo gabagaboowdaa, laguna soo ban-dhigaa protokoolkii si baaritaan loogu sameeyo. Waana mid ugu horeeyn dhici doonta maalinta arbacada bishuna tahay 18-ka maajo.
Ciddii dooneeysa iney abiil ka qaadato natiijada doorashada xubnaha baarlamanka gobolka waxay qoraal ahaan ugu gudbinaysaa hayadda maamulka gobolka.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".