Dib ugu Noqoshada Doorashooyinka

Xisbiyada Sooshiyaaldimoqoraadiga iyo xisbiga Sverigedemokratiga ayaa noqday labada xisbi ee guusha ku raacday doorashooyinkii ku celiska ahaa ee xaafado ka mid ah degmada Örebro iyo nawaaxiga gobolka Västra Götaland.

Xisbiga Sooshiyaaldimoqoraadiga ayaa guulo aad u ballaaran ka gaaray doorashooyinkii ku celiska ahaa ee ka dhacay shalayto axaddii 15-kii maajo xaafado ka tirsan degmada Örebro iyo gobolka Västra Götaland. Xaafadaha doorashadu ka dhaceen ee degmada Örebro ayuu xisbigu ku guuleeystay tiro gaarsiisan 47,1 boqolkii, halka doorashadii dhacday bishii septembar ee sannadkii 2010 uu xisbigu saami u helay 39,3. Halka uu xisbigu codad ku helay gobolka Västra Götaland 32,6, halka doorashadii ka horeeysay uu saami u yeeshay 30,9 boqolkiiba. Iyadoona ay xoghayaha xisbiga Sooshiyaaldimoqoraadigu Carin Jämtin sheegtay iney aad ugu faraxsan tahay guusha xisbigeeda u soo hoyatay.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".