Sawirle: Adam Ihse / Scanpix

Tiradii Codeeysay ee Doorashooyinkii ku Celiska

Tiro aad u hooseeysa ayaa ka qayb-gashay doorashooyinkii ka dhacay nawaaxiga Västra Götaland iyo xaafado ka tirsan degmada Örebro marka loo barbar-dhigo doorashooyinkii ka horeeyay.

Doorashadii ka dhacday carriga Västra Götaland ayey ka qayb qaateen 43 boqolkiiba, waana tiradii labaad ee ugu hooseeysay doorasho dalka ka dhacda inta taariikhda la ogsoon yahay (doorashadii ugu cod-bixiye yareeyd ayaa dhacday sannadkii 1992, ahaydna markii ugu horeeysay ee haweenku xaq u yeesheen iney codkooda ka dhiibtaan doorashooyinka gobollada).

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista