Safaarado La siiyo miisaaniyadda Taakuleeynta

Hayadda OECD ayaa dhaleeceeyn dusha uga tuurtay wasaaradda arrimmaha dibadda maadaama lagu miisaaniyad geliyo safaarradaha dalkan u fadhiya waddammada Yurub miisaaniyadda ay dawladdu ugu talo gashay dhaqaalaha taakuleeynta waddammada soo koraya, falkaasina oo ka soo hor-jeeda xeerka caalamka u degsan.

Laanta wararka ee idaacadda Iswiidhen Ekot ayaa dhowr bilood horteed soo bandhigtay dhaqaale malyuumaad gaaraya ee loogu talo-galay taageerada  lagu miisaaniyad geliyo safaarradaha dalkan u fadhiya magaalooyinka Paariis iyo Madriid.