Swirle: Pontus Lundahl/Scanpix.

Baahi loo Qabo Shaqaalaha Caafimaadka

Baahida dhakhaatiirta ee goobaha caafimaadka
5:02 min

Dhakhaatiir gaarsiisan 4000 iyo kalkaaliyeyaal-caafimaad ee gaarsiisan 5000 ayaa looga cabsi qabaa baahi in loo qaado toban sannadood dabadeed. Waa saadaalin ay hayadda maamulka bulshadu u sameeysay wargeeyska maamlinlaha ee marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaano DN (Dagens Nyheter).

Iminkadan ayey goobaha caafimaadku ey baahi u qabaan dhakhaatiir ku takhasustay tacliinta loo yaqaanno Pathology (baaritaanka cudurrada iyo sida diyaagnooska loogu sameeyo iyada oo la adeegsanayo moolekiyuullada, unugyada, xubnaha iyo wixii la mid ah).

Siyaabaha la isugu dayayo in xal amuurtaa loogu helo ayay ka mid yihiin in la kordhiyo dhakhaatiirta ajaaniibta. Maantadan ayey dhakhaatiirta dalkan ka howl-gashaa shantiiba mid asal ahaan dalka dibaddiisa ka soo jeedaan. Xalka kale ayaa noqon kara in kor loo qaado da’da howl-gabka.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".