Dadyoowga ku Dhaca Jaranjarada Shaqa la’aanta Fas 3

Dawladda dalka maamusha ayaa go’aamisay in xitaa dadyoowga ku abaaday shaqa la’aanta waxa loo yaqaano Fas 3 qudhooda loo sahlo sidii loogu suurtagelin lahaa aqoon-kororsi.  

Wixii go’aankaa ka horeeyay ayaan dadyoowga ku jira tallaabada saddexaad uguna hooseeysa ee shaqa la’aanta aan loo ogoleeyn iney ka qayb qaataan habka aqoon-kororsiga ee dawladdu maaliyad geliso, waxa loo yaqaano arbetsmarknads utbildning.

Shuruudda ku xiran ruuxa ku sugan jaran-jarada saddexaad ee shaqa la’aanta Fas 3 ayaa ah inay xafiiska shaqada ula muuqato in aqoon-kororsigaa kadib uu ruuxu ku howl-geli doono.

Toddobaadkii ina dhaafay ayey afarta xisbi ee mucaaradku waa xisbiga Sooshiyaaldimoqoraadiga, Doogga, Bidixda iyo xisbiga Sverige dimoqoraad-igu dawladda u soo jeediyeen in la joojiyo nidaamka dadyoowga loo dirayo jaranjarada saddexaad ee habka shaq la’aanta Fas 3 waxa lagu magacaabo.

Isha: Ekot

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".