Reinfeldt oo ka Hadlay Xaaladda Saab

Madaxa dawladda Iswiidhen Fredrik Reinfeldt ayaa markii ugu horeeysey isaga oo ku sugan dalka Basaaziil  ka hadlay wadashaqeeynta shirkadda gawaarida ee saab iyo shirkadda baabuurta shiineeska ee lagu magacaabo Pang Da.

- Ma jirto wax kale oo aan ka qaban karno oo an ahyn inaan la soconno iyo inaan welwel ka muujinno xaaladda shaqada ee degmada Trollhättan iyo shaqaalaha nawaaxigaa ka howl-gala, kuna sugan welwel la xiriira iney helaan jawaabo kala duwan, sida uu Fredrik Reinfeldt u sheegay hayadda wararka ee TT.

- Sida ku cad heshiiska in shirkadda Pang Da ugu horeeynta ay diyaar ula tahay sidii ay ku maal-gelin lahayd shirkadda Saab 30 malyuun ee lacagta euro-ga, una dhiganta 270 malyuun ee koronka iswiidhishka, si loogu soo saaro gawaari tiradoodu gaarsiisan tahay 1 300 bisha septeember ee sannadkan.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".