Victor Muller oo cafis waydiistay shaqaalaha Saab. Sawirle: Scanpix.

Warshadda Shirkadda Gawaarida ee Saab

Madaxa hoggaanka maamulka shirkadda Saab Victor Muller oo maanta soo gaaray xarunta warshadda shirkadda ee Trollhättan ayaa hadal uu u jeediyay shaqaalaha warshadda uga warramay heshiiska shirkadda uu madaxda ka yahay iyo shirkadda gawaarida iibisa ee shiineeska Pang Da wada gaareen. Muller ayaa sidoo kale raali-gelin ka sii yay shaqaalaha xaaladda ey ku sugan yihiin, islamarkaana uu hoggaankiisu masuuliyadeeda leeyahay. Sidoo kale war laga soo xigtay idaacadda iswiidhen laanteeda P4 ee galbeedka ayaa lagu sheegay in warshadda Trollhättan ay howsheeda dib u bilaabi doonto laba toddobaad gudahood.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".