Hogaamiyaha xisbiga Sooshaldemoqoraati-ga Håkan Juholt .

Xisbiga (S) oo wax ka badaley fikirkiisii ku saabsanaa hawlgabka Libya

Xisbiga Sooshiyaaldimoqoraadiga ayaa dib isaga rogay fikirkiisii la xiriiray howl-galka ay qaar ka mid ah ciidammada dalkani ka howl-galaan dalka Liibiya, sida ku caddayd maqaal ay saaka ku daabaceen wargeeyska DN Urban Ahlin afhayeenka xisbiga ee arrimmaha dibadda iyo Peter Hultqvist, afhayeenka arrimmaha difaaca ee xisbiga.

Laba toddobaad horteed ayuu xisbigu sheegay in aanay u muuqan sabab lagu kordhiyo muddada ay ciidammada Iswiidhen kaga sugnaan doonaan carriga Liibiya, fikirkaasina oo uu hogaamiyaha xisbigu difaacay muddo iminka toddobaad laga joogo, hase yeeshee ay xubnaha xisbiga qaar ka mid ah qudhoodu dhaleecayn u soo jeediyeen.

Maqaal maanta wargeeyska maalinlaha ee DN ay ku soo daabaceen xubno matalaya xisbiga in xitaa howsha ciidammada iswiidhishku ka wadaan dalka Liibiya la sii kordhiyo wixii ka dambeeya 30-ka bisha juulaay, haddii ay middaa codsi ka dhiibato hayadda Qaramada Midoowday.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".