Dacwooyinka Maxkamadda EU-da oo Kor u Kacay

Dacwooyinka la xiriira xuquuqda bani'aadanka ee dalkan looga eed-sheeganayo loona gudbiyo maxkamadda ururka midowga Yurub ayaa aad kor ugu kacdey. Horraantii sannadkii 2010 ayey dacwooyinkaasi gaarsiisnaayeen 52, halka horraantii sannadkan 2011 oo keliya ey cagacageeynayeen 684.

600 oo ka mid ahaa dacwooyinkii sannadkii ina dhaafay 2010 ee dalkan looga gudbiyey maxkamadda Yurub ayaa la xiriirey arrimmaha qaxootiga ciraaqiyiinta ee dalkan magan-gelyodoonka u yimid. Iyadoona ay maxkamadda Yurub go'aan middaa ka soo saartay iyo in si ku meel-gaar ah loo hakiyo dib u celinta qaxootiga ciraaqiyiinta dib loogu celinayo dalkoodii, hase yeeshee maxkamaddu dib ayey go'aankaas uga noqotay dhaleeceeyn adag oo dalkan uga timid ka dibna waxay maxkamaddu go'aansatey in ruux walba si gooniya arrimmihiisa loo eego.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".