Sawirrada kaydka: Nick Näslund/Sveriges Radio

Isticmaalka Xaddhaafka Dawooyinka ee Dhallinyara

Dhallinyarada iswiidhishka ayey ku sii xidideeysaneeyaan isticmaalka muqaadaraadka qaasatan kuwa dawooyinka ad-adag.

Sannadkii hore ayay hayadda xuduudaha ee kastamku gacanta ku dhigeen kiniiniyada muqaadaraadka ee dawooyinka ah ee 300 000 kor u dhaafaya oo boosta ahaan lagu soo diray marka loo barbar-dhigo sannadkii ka horeeyay.
Waa muqaadaraadka ugu badan ee dhallinyaradu isticmaalaan waana mid sannad walba sannadka ka horeeya kor u sii kacaya, sida uu sheegayo war laga soo xigtay hayadda dembi-baarista qaranka ee Rikskriminalen. Dhowaantan ayuu ciidanka ammaanku alaarmi diray kadib kolkii afar dhallin-yaro ah ee ku dhaqnaa magaalada Umeå ee waqooyiga dalka ey u geeriyoodeen iska badin xad dhaaf ah ee kiniiniga morfiinka ee Dolcontin iyo daawada Oxycontin.

Isha: TT

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista