Xarunta shirkadda Saab.

Shaqaale Howlahoodii Laga Eryey

Muddadii 7-da toddobaad ee warshadda gawaarida Saab ee Trollhättan ay wax-soo-saarka ka maqnayd ayey dhibaatooyin u geeysteen shirkadihii yar yaraa ee qalabka u sameeyn jiray. Shirkadda Lear corporation oo ku taala isla magaalada Trollhättan una sameeyn jirtay shirkadda Saab kuraasta gawaarida ayaa ku dhawaaqday iney shaqada ka fariisisay 160-kii shaqaale ee shirkadda ka howl-geli jirey.

Shirkadda Lear ayaa 90% dhaqaalaheedu ku xirnaa shirkadda Saab iyadoona ay ahayd mid la filayay in shaqa la’aani ku soo food leedahay shaqaalaha shirkadaasi.

Madaxa hoggaanka shirkadda Saab Victor Muller ayaa sheegay shalay in rajada warsahadda gawaarida ee Saab ay tahay in muddo toddobaad gudaheed hoowsheeda ku bilaabi doonto. Hase yeeshee middaasi ku xiran tahay sida shirkadda Saab iyo shirkadaha alaabada u sameeyaa heshiis u wada garaan. Sidoo kale waxaa laga maarmaan ah in bankiga miisaaniyadda ee Yurub (EIB) uu siiyo deeymo shirkadda

Isha: TT

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".