Sawir la farsameeyay. Sawirle: Nick Näslund/Sveriges Radio

Dembi Lagu Oogay Haween ee la Xiriira Sawirro Dhallaan qaawan

Waxaa maanta bilaabatay dembi lagu oogay haween tiradoodu gaarsiisan tahay 23 lana xiriira daawasho iyo keeydsasho sawirro iyo aflaan dhallaan galmo lala sameeynayo waxa luuqaddan lagu yiraahdo barnporr, halka nin kalena lagu soo eedeeyey dembi fal culus ee middaa la xiriira.

Ninkan ayaa lagu eedeeyey maadama laga helay hooyga iyo compiyuuterkiisaba sawirro iyo afaalam ku keeydsan ee la xiriira dhallaan aan qaan-gaarin ee loo galmoonayo, uuna u diray haweenka. Iyadoona sida uu sheegay xeer-ilaaliye Niclas Eltenius in haweenka qudhoodu sawirrada iyo aflaantaa ka dalbadeen ninkan.

Dhammaan haweenka iyo ninka dacwada lagu soo oogay ayaa qirtay in aflaantaa ku keedsanaayeen kompiyuutarradooda, halka qaarkoodna ey sheegeen in aaney dooneeyn aflaantaa, islamarkaana aaney ula jeedin iney galaan fal dembiyeed.

Taariikhda dalkan ayaa ah markii ugu horeeysay ee haween intaa tiro le’eg lagu soo oogo dembi noocaaniya. Sidoo kale waa arrin ku cusub haddii la eego waddammada caalamka.

Isha: Ekot

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".