Foto: Björn Larsson Rosvall/Scanpix.

Mudaharaadyo iska soo horjeeda oo barrito ka dhici doona Göteborg

5:56 min

Usbuuca soo socda ayaa xaafadda Hisingen oo ku taala magaalada Göteborg waxaa laga furi doonaa dhismaha maasajid uu muddo badan muran ka taagnaa , laakiin dhanka kale waxaa maalinta barritto magaalada Göteborg ka dhici doona laba mudaharaad oo mid ka mid ah looga soo horjeedo masaajidkaas magaalada Göteborg laga dhisey  ,mudaharaadka kalana waxaa looga soo horjeedaa mudaharaadka ay kooxaha xagjirka ahi ka dhigayaan isla magaaladaas.

Booliiska magaalada Göteborg ayaa mudaharaadyadaas ka walwalsan ,waxayna rabaan in ay awooddooda oo dhan isugu geeyaan sidii ay uga hortagi lahaayeen in iska hor imaadyo xoog lihi goobahaas  ka dhacaan.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista