Sawirle:Bertil Ericson/Scanpix.

Kaarka Deggenaanshaha Dalka

Ajaaniibta dalka lagu siiyo sharciga deggenaansho ayaa laga bilaabo maanta waxaa la siin doonaa warqad aqoonsi ee gaar ah, middaasina oo aey ka heli doonaan hayadda socdaalka Migrationsverket.

Wixii intaa ka horeeyay ayaa calaamad lagu dhejin jiray baasaboorka, hase yeeshee aanay ahayn mid aamin ah.
Iyadoona sida ay sheegtay idaacadda wararka ee Ekot ey qaar ka mid ah calaamadahaa lumeen, laguna iibiyey suuq madow.

Kaarkan cusub ee aqoonsiga ayaa noqon doona mid ey isaga eg yihiin dhammaan kaararka noocaniya ee laga bixiyo waddammada ku midoobey ururka Midowga Yurub ee EU-da, iyadoona lagu nabi doono warbixinno aan wax laga badali karaa aaney jirin.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".