WAA IN LA KORDHIYO

Kontroolka Iskuulada Mulkida Loo Leeyahay

Indho-ku-haynta horta leh ee hayadda kormeerka iskuulladu ku soo rogtay ama ku bilowday iskuullada madaxa bannaan ayaa noqon doona in la caddeeyo in dadyoowga doonaya iney iskuul madax-bannaan furtaan ey haystaan goobo tacliineed ee dhallaanka ku filan iyo macallimiin xirfad u leh hoowshooda, inta aananba loo ogolaan in iskuul hor leh ee madax bannaan la furo.

Hayadda kor-meerka iskuullada ayaa tallaabadaa ula jeedda in cid walba ee dooneeysa inay iskuul madax-bannaan furato lagu shuruudeeyo in dhallaanku helaan tacliinta ey u baahan yihiin ama xaqa u leeyihiin.