Holm oo Siyaasadda u Janjeera

Cayaarhankii caanka ee bootinta sare Stefan Holm oo ku janjeeda ka qayb-galka siyaasadda. Hogaamiyaha xisbiga Sooshiyaaldimoqoraadiga Håkan Juholt ayaa damacsan inuu cayaaryahanka u dhiibo jagada madaxa guddiga xisbiga u qaabilsanaan doona ka hor-tagga ama la dagaalanka fakhriga dhallaanka, sida ay sheegtay idaacadda wararka ee layska daawado SVT Rapport.