Ubax oo ka Hadli Doonta Barnaamijka Kuleeylaha ee P1

3:45 min

Ubax Muuse ayaa nolosheeda markii ugu horeeysay ka hadli doonta barnaamijka kuleeylaha ee kuleeyle walba ka baxa idaacadda Iswiidhen laanteeda P1 looguna magac-daray "hadalaha kuleeylaha waxa loo yaqaano sommarpratare".

Maalintii salaasada ayay idaacadda P1 ku soo ban-dhigtay barxadda xarunta idaacadda dadka ka hadli doona barnaamijka kuleeylaha ee sannadka 2011, kuwaasina oo ay ka mid ahayd Ubax Muuse, asal ahaan ka soo jeedda soomaaliya, dhowaantanna soo af-jartay masrax riwaayad ku saabsanaa taariikhdeeda kolkii ay dalka qaxootinimo ku timid siddeed jir iyada oo keli ah.