Nidaamka Cusub ee Dugsiyada Xannaanada

4:30 min

Iyada oo koowda bisha juulaay isbedel xeer lagu sameeyn doono nidaamka wax-barasho ee iskuullada xannaanada iyo in xoogga la saaro sidii dhallaanka loo bari lahaa xisaabta iyo sayniska, ayay haddana kor aad ugu sii kacayaan tirada kooxeed ee dhallaanka xannaannada ee macallin ama macallimiin ku aada, waana mid aan suutagalinayn in la fuliyo nidaamka xeerkani dhigayo iyo sidii dhallaanka looga hor-marin lahaa dhanka xisaabta iyo sayniska, sida ay sheegtay Carina Hall, ahna sarkaalad tala-bixiye ka howl-gasha hayadda maamulka iskuullada ee Skolverket.

- Wax-bariddu waxay ku xiran tahay in dhallaanka si wada-jir ah wax loo baro. Waxaa sidoo kale jira tiro cayiman ee dhallaanka haddii ay ka bataan aanay middaasi suurtagal ahayn, hadiina la eego sida xaaladdu iminka tahay goobaha xannaanada wax-barasho waa mid aan suurtagal ahayn. Waa laba arrimood oo aan is qabanayn.

In dhanka tacliinta xoogga la saaro iminka waa mid dawladdu uga gol leedahay, maadaama daruuriga bulshada iyo waaqiciga jiraa uu middaa qasbayo hadday noqon lahayd dhanka xisaabta iyo teknoloojiyada maalin walba maalinta ka sii dambeeysa hor-u-marka xawliga leh ku sii tallaabsanaysa.

Shaqaalaha, macallimiinta ka howl-gasha dugsiga xannaanada Kungsholmen ee magaalada Istockholm ayaa dhowri la’ xilliga dayrta, iyagoona horay u bilaabey sidii ey ugu diyaargaroobi lahaayeen habka baridda maadada xisaabta, sida ay sheegtay macallimad Catrin Hassel. Hassel ayaa ka war-bixisay habka dhallaanka xannaanada loo bari karo xisaabta iyada oo cayaar la adeegsanayo. 

- Waxa ay ku saabsanaan kartaa cabirka heerka mugga dareeraha, dhumucda iyo culeeyska. Iyada oo la isticmaalayo quraarado noocyo kala duwan oo ey ku jiraan dareereyaal kala duwan, islamarkaana wax laga waydiinayo dhallaanka. Su’aalo ey ka mid yihiin sida ey isku culeeys u noqon karaan quraarad ay ku jirto dareere marka loo barbar-dhigo quraarad ay ku jirto dareere kale? In lagu shaqeeyo sidiiyoo baaritaan lagu jiro oo kale.

Sida badankood iskuullada xannaanada ay kooxaha dhallaanku tiro ahaan gaarsiisan yihiin dugsigan xannaanada 42 dhallaan, ahana laba koox oo la isku daray, middaasina aanay u arag wax caqabad ah, hase yeeshee u muuqato in dhibaatadu ka taagan tahay in la helo macallimiin ku filan, xirfadna u leh howshooda.
Titti Rylander, waa ku simaha dugsiga xannaanada. 

- Kuma fekerno in dhallaan tiro yar uu macnihiisu yahay tayada oo wanaagsanaata. Muhiimaddu waxay tahay habka la isu abaabulo. In kooxo la isku daro loona helo macallimiin tayo leh ee ku filan, islamarkaana bayadda si ka duwan loo adeegsado.

Carina Hall oo ka howl-gasha hayadda maamulka iskuullada ayaa fikirkaa la qabta kolka laga hadlayo dhallaanka roon roon, hase yeeshee dhallaanka tirada badani ay mar walba tahay mid aan natiijo wanaagsanayn.

Baaritaan isku celcelin ah ee lagu sameeyay dugsiyada xannaanooyinka ayaa lagu ogaaday in kooxaha goobaha xannaanooyinku 18% ka kooban yihiin 21 iyo in ka badan, halka sannadihii ugu dambeeyey kooxaha dhallaanka xannaanooyinka ee da’doodu u dhaxeeyso 1 illaa 3 ee tiradoodu gaarsiisan tahay 17 dhallaan ey saddex jibaarmeen, sida ay sheegtay Carina Hall. Iyadoona xeerka u yaala hayadda maamulka iskuulku yahay in dhallaanka roon roon aanay koox ahaan ka badan 15, halka kuwa yar yarna loo baahan yahay tiro intaa kas ii yar.

Guud ahaan marka laga eego, iskuullada xannaanada ee dalku waxa ey ku sugan yihiin xaalad wanaagsan, waase mid loo baahan yahay in maamullada degmooyinku baaqyada ka soo yeeraya ey u feejignaadaan sidii wax looga qaban lahaa. Waa xaalad halis ah kor u kaca tirada kooxaha goobaha iskuullada xannaanooyinka, sida ay sheegtay Carina Hall. 

- Dhallaanku waa mustaqbalka dalka ee berito. Haddii aan middaa wax laga qabanna waxay waxyeeleenaysaa kobaca dhallaanka.