Hablaha oo Wiilasha kaga Howlbadan Guriga

Baaritaan ay hayadda tirakoobka SCB su’aalo ku waydiisay dhallaan da’doodu u dhaxeeyso 10 illaa iyo 18 jir ayaa lagu ogaaday in habluhu kaga dheereeyaan ama kaga badan yihiin howlaha ay guryaha ka qabtaan marka loo barbar-dhigo wiilasha, iyadoona howlaha ugu badan ee dhallaanku guriga ka caawiyaan uu yahay miiska cunnada oo la goglo ama alaabta laga qaado,  sariiraha ey ku seexdaan oo ey gogladaan iyo maacuunta wax lagu cunay oo la xalo ama mashiinkii xali lahaa lagu guro. 
Waxaa sidoo kale tirakoobkaa ku cadaaday in 83% hablaha iyo wiilasha 79% ugu yaraan reeraha ka caawiyaan howlaha guriga saacad toddobaadkii.