HOGAAMIYAHA XISBIGA DHEXE (C) OO SOO JEEDIYAY

In Waaldiinta Soogalootiga Laga Dhimo Beryaha Fasaxa Dhallaanka

Hogaamiyaha xisbiga Dhexe ee Center-ka Maud Olofsson dhowaantanna ku dhawaaqday inay jagada iskaga degi doonto ayaa soo jeedisay mar sabtidii wareeysi lagula yeeshay barnaamijka toddobaadlaha ee wareeysiga sabtida fikir la xiriira in waalidiinta ajaaniibta soo-galootiga ee dalka soo gala iyaga oo ey la socdaan dhallaan dhowr ah laga dhimo maalmaha ceeymiska dhallaanka ey ku qaadan karaan fasaxa, si baanay tiri aaney guryaha ugu nagaadin muddo dheer oo ey suuqa shaqada qayb uga noqdaan.

- Waa in la dhimo maalmaha. Hadduu soo galootigu Dhalaan dhowr ah wataan waxa ey xaq u yeelanayaan maalmo fara badan ee fasax ah, middaasina oo muddo dheer ku qaadaneysa iney guri joog ku sugnaadaan.

Fikir midkan la mid ah iyo weliba in la joojiyo dhaqaalaha ey waalidiintu ku qaataan dhallaanka inta aaney saddex sannadood gaarin ayey ku qornaayeen warbixintii toddobaadkii ina dhaafay uu soo saaray guddiga khuburrada ee dawladdu marka magaciisa la soo gaabiyana loo yaqaano ESO, ee la xiriiray hagaajinta nidaamka is-dhex-galka ee bulshada.
Haweenka ajnabiga ayey caqabado ku hayaan ceymisyadaa maadaama ey ka nagaanayaan suuqa shaqada iyo barashada luuqadda iwiidhishkuba, iyo sidoo kale dhallaanka qudhoodu in aaney afka baran.

Hab lagu dhimo maalmaha waalidiinta ajaaniibta caymiska fasaxa looga jaro dhallaankooda ayaa ahayn mid dawladda iminka ugu jirta ajandooyinkeeda. Xisbiga Kristendimoqoraad-iga ayaa fikirkaa ka soo hor-jeeda, halka xisbiga Mudaraatku su’aashaa is dhaafiyay, xisbiga Shacabkuna (Fp) uu maya iska rogay una rogmaday Haa.