NIN ISWIIDHISH AH OO LOOGA CABSI QABO INUU KU GEERIYOODAY

Shil Dayuuradeed oo ka Dhacay Ruushka

Wasaaradda arrimmaha dibadda ayaa xaqiijisay in nin 40 jir ah, dhalashadiisu iswiidhish tahay ku jiray liiska diyaarad ku halagantay dalka Ruushka eyna ku geeriyoodeen 44 ruux, islamarkaana dhowr ruux oo kalena ey dhaawacyo culusi ka soo gaareen.

Shilka dayuuradeed ayaa dhacay xalay fiidnimadii, iyadoona dayuuraddu ka kacday magaalada Moosko ee caasimadda dalka Ruushka kuna sii jeeday magaalada Petrozavodisk, ayna dayuuraddaasi sabab ama sababo aan illaa hadda la xaqiijin aawadood u dhacday wax yar ka hor intii aanay gaarin garoonkii ay caga-dhigan lahayd. Iyadoona shaqaalaha garoonkaa sheegeen iney halkaasi ka jirtay hawo aad u qalafsan ee ceeryaamo iyo roob isugu jirey.

Dhowr qof ayaa shilkaa ka badbaaday, hase yeeshee dhaawacyo culusi soo gaareen.