Dadka goobaha caafimaadka isku dila oo dalkaan ku soo badanaya

Dalkaan Iswiidhan ayaa waxaa kor u sii kacaya tirada la diiwaangaliyey ee ah dadka isdila ama nafta iska qaada inta daaweeynta lagu wado.

Sanadkii hore ayaa waxaa isdiley oo nafta iska qaadey dad gaaraya 599 qof isla xilligii ay gacanta ku hayeen hey'adaha caafimaadku ,saddex sano ka hor tiradaasi waxay aheeyd 468 qof.