Bulshada dalkaan oo fiicnaan u aragta isir kala duwanaashaha

Bulshada dalkaan Iswiidhan ayaa badankoodu wax wanaagsan u arka bulshada kala isir duwan iyo isdhexgalkooda,sida ay muujisey cabiraad dhankaas ku saabsan oo ay sanad walba sameeyso jaamacadda Uppsala.

Sidoo kalana waxaa hoos u dhacey dadka aaminsan afkaarta xagjirka ah ,kuwaas oo hoosuga soo dhacey boqolkiiba 5,7 boqolkiiba oo ay sanadkii hore aheeyd sanadkaana waxay gaartey 4,9 boqolkiiba laakiin sidaas oo ay tahay waxaa wali aad u sareeya dadka raba in shuruudo dheeraad ah lagu xiro dadka soogalootiga ah.