Rabshadaha ka taagan dalka Suuriya iyo Iswiidhan

Maalin ka dib markii dalka Mareeykanka iyo ururka midoowga yurub ay markii ugu horeeysey dalbadeen in uu iscasilo madaxweeynaha dalka Suuriya Bashaar Al-asad ,ayaa wasiirka arrimaha dibadda dalkaan Iswiidhan Carl Bildt sheegey, in dalabka is-casiliddaasi ,ay hadda ku soo aadey xilli ku haboon.

Dabcan hadalada noocaas ah iyo qeeybaha kala duwan ee cunaqabateeyntu ,ma ahan kuwa natiijo deg deg ah dhalaya laakiin sidaas oo ay tahay waa wax fiican in hadda dalabkaas la soo jeediyo ,ayuu yiri Carl Bildt:

(- Xaaladda dalka Liibiya ka taagan ayaannu ku aragney natiijada iyo raadka ay ka tagi karaan hadalo la soo jeediyaa, laakiin sidaas oo ay tahay waxaan aaminsanahay in ay guud ahaan wax muhiim ah tahay, waxaanuna hadda culeeys iyo cadaadis dheeraad ah saareeynaa xubnaha kaleeto oo ka tirsan hey'adda qaramada midoobey , ayuu yiri Carl Bildt.