Foto: Janerik Henriksson/Scanpix.

Suuqa saamiyada Stockholm oo aad hoos ugu dhacey

Suuqa saamiyada magaalada Stockholm ayaa wali hoos u sii dhacaya ,maantana hoos u dhiciisu wuxuu gaarey 6,2 boqolkiiba ,kaas oo ah hoos u dhicii ugu weeynaa muddo saddex sano gudohood ah.

Hoos u dhaca maalmahaanba ku imaanayey suuqa saamiyada magaalada stockholm , ayaa waxaa sabab u ah sida ay sheegeen dadka dhankaas ku xeel dheer , walalka ah in dhaqaalaha adduunku hoos u dhaco .

Calaamado badan ayaa jira oo muujinaya in dalka Mareeykanku uu hoos u dhac dhaqaale ku sii hoobanayo, sidoo kalana waxaan ilaa hadda xal loo helin mushkiladda la xiriirta deymanka lagu leeyahay dalalka xubnaha ka ah ururka midoowga yurub.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".