Sawirle: Maria Iwerbo/Sveriges Radio.

Shaqaalaha Cilminafsiga ee Iskuullada

Iyada oo nidaamka cusub ee iskuullada lagu adkeeyay in dhallaan walba uu helo shaqaale bartay cilmi-nafsiga iyo la-taliyeyaal dhanka bulshada (kuratorer), ayaa haddana middaasi ka suurta-gelin iskuullaad fara badan.

Ururka dadyoowga bartay maadada cilmi-nafsiga ayaa baaritaan uu sameeyay ku ogaaday in loo baahan yahay ugu yaraan 1 000 ruux oo hor leh, si loo buuxiyo baahida jirta. Iyadoona sida iminka xaaladdu tahay ey halkii ruuxba ku soo beegmayaan arday dhan 1 500.

Caqabadaha hareeyay ayay ka mid yihiin sidii loo soo Xera-gelin lahaa loona shaqaaleeyn lahaa shaqaale bartay cilmi-nafsiga, sida uu sheegay ururka shaqaalaha bartay cilmi-nafsiga.

- Waxaa ugu yaraan loo baahan yahay 1 000 shaqaale  dheeriya oo bartay maadada cilmi-nafsiga si loo gaaro heer xaalad ee tayo leh.

Iyada oo iminka xeerkii la adkeeyay lagana dhigay shuruud ama waajib, sida uu sheegay Claes-Göran Aggebo, ahna la taliye dhanka wax-barashada ee hayadda iskuullaadka (Skolverket).

- Hore wuxuu xeerku u ahaa mid aan sidaa u caddayn. Iminka waxaa la shuruudeeyay in iskuullada laga heli karo shaqaale bartay cilmi-nafsiga iyo maadada bulshada, tan iminka ugu muhiimsan waxay tahay in ardaydu xaq u leeyihiin. 

Marar badan ayay aad u adag tahay sidii lagu heli lahaa shaqaale bartay maadada cilmi-nafsiga. Tusaale ahaan degmada Jönköping oo muddo dhowr sannadood ah uu kusigaasi banaanaa, sida ay sheegtay Susanne Törnvall, ahna madaxa laanta dhallaanka iyo caafimaadka ardayda.

- Waxaa iskuullada ka jirta baahi aad u ballaaran ee loo qabo shaqaalaha cilmi-nafsiga bartay. Baahida ardayda ee middaa la xiriirtana maaha mid aannu iminka kaalinteedii ka soo dhalaali karno. Waaney nagu adag tahay sidii aan ku heli lahayn cid aannu ku howl-gelino, intaa waxaa

dheer in aaney nawaaxigayaga ka jirin jaamicado lagu barto maadooyinkaa.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista