Halgameyaal Xabsi lagu Xukumay

Magaalada Kopenheegan ee caasimadda Danmark ayaa maanta maxkamad ay ku xukuntay xabsi laba toddobaad ah nin dhalashadiisu iswiidhish tahay.

Kullankii caalamiga ee looga xaajoonayay cimilada ee muddo iminka laba sannadood laga joogo ku qabsoomay dalka Danmark ayey hal-gameyaal u ololeeya ururka nabadda cagaaran (Greenpeace) duleedka uga dhaceen kol ay boqoradda dalkaasi qada-sharaf ka qayb qaadanaysay.

Muwaadinka iswiidhishka ee la xukamay ayaa waday gaari ka mid ah gawaaridii goobta qada-sharafta tagtay oo uu ku dhegenaa lambar khaldan, sida ay sheegtay idaacadda P4 Kristianstad.

Xukunka maxkamadda ee ku dhacay hal-gameyaashaa ayaa sidoo kale lagu xukumay ururka Greenpeace ganaax dhan 75 000 ee koronka daanishka.