Suuqa Shaqada: Ajaaniibta Dalka ku Cusub

Xisbiga Dhexe (C) ayaa soo jeediyay fikir ah in la baabi’iyo nidaamka hadda jira ee lagu magacaabo ”instegasjobb”, gundhigiisuna ahaa sidii ajaaniibta dalka ku cusub loogu suurtagelin lahaa iney shaqa helaan. Fikirkiisana oo uu xisbigu ku macneeyay inuu yahay nidaam qalafsan.

Nidaamka lug la galka suuqa shaqada ee ajaaniibta dalka ku cusub hirna-galay sannadkii 2007 ayaa ka dhigan iney goobaha shaqadu meeleeyn karaan ruux ajnabi ah ee dalka ku cusub iyada oo aan la bixin qidmadda shaqaaleeynta. Hase yeeshee sida uu ugu xog waramay war-geeyska SvD xog-hayaha xisbiga Michael Arthursson uusan nidaamkaasi buuxin natiijadii laga filayay. Iyadoona uu bedelkeeda doonayo xisbiga Dhexe tijaabinta nidaam ka duwan ee ajaaniibta dalka ku cusub loogu sahlayo suuqa shaqada iyo dhimista bar qidmadda shaqaaleeynta labada sannadood ee ugu kolka uu dalka soo galo/gasho.

Bishii luulyo ee sannadkan ayey nidaamkaa ku shaqaaleeysnaayeen dadyoow gaarsiisan 3 000 oo ruux.